Sunday, April 27, 2025

Wararkii ugu danbeeyay dagaal Qaraar oo Xarardheere ku dhex maraya Alshabaab & dadka Degaanka

Dgaal culus ayaa markii labaad maanta oo dhan ka socday degaanka Caad ee degmada Xarardheere, iyadoo dadka degaanka iyo kooxda Alshabaab ay dhowr jeer manta dagaalameen.

Dagaalladii maanta dhowr jeer la isku laabtay ayaa la si adeegsaday hubka culus ee hoobiyeyaasha iyo boobayasha culus, waxaana maleeshiyada Alshabaab ay weerareen saaka ciidamada degaanka ee ku sugnaa tuulada Maamiyo, halkasoo dagaal qaraar ka dhacay, iyadoo la soo xiiray maleeshiyada degaanka, halka dagaal kale oo rogaal celis ahaa ay maleeshiyada degaanka qaadeen uu soo gaaray maqribnimadii Caawa.

Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha labadii maalmood dhex maraya labada dhinac ay kor u dhaafeen 30 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 40 kale, waxayna dadka degaanka ka cabanayaan in Alshabaab ay hub culus la yimaadeen iyo maleeshiyo fara badan.

Ad

Dagaalkan ayaa qarxay markii dadka degaanka ay diideen amar kaga yimid dhinaca Al-Shabab oo ah inay keenaan carruur loo qoro maleeshiyada Alshabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay dagaal kula jirto ciidamada Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON