Friday, March 28, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal ka socda Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo degaano ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee weli ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa weerar ku qaadya saaka maleeshiyada Alshabaab ee difaaceysa degmada Aadan Yabaal, waxayna dagaaladu ka socdaan tuulooyinka Warta-Dibi-Samatar iyo Boos-Caduur.

Dadka degaanka ayaa soo weriyay inuu dagaalku yahay mid culus oo la maqlayo qaraxyo iyo hubka waaweyn, waxaana hawada ku jira diyaaraha Drone-ka ee taageeraya ciidamada dowladda.

Ad

Iska hor imaadyo dhex maray labada dhinac maalmihii ugu danbeeyay ayaa dhaliyey qasaare kala duwan, waxayna ciidamada dowladda sheegeen inay Gaari Cabdi-Bille ah ka qabsadeen Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee Aadan Yabaal ayaa sheegaya in dagaalka lagu doonayo dib u qabsashada degaankaasi uu hadda bilowday, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu qaadan karo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON