Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal beeleed maanta ka qarxay magaalada Marko ee Gobolka Sh/hoose.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba beelood oo gobolka Sh/Hoose isku heysta arrimo degaan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in magaalada gudaheeda uu dagaalku saameyn ku yeeshay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka ay ilaa iminka ku dhinteen 4 qof oo laba ka mida ay meydadkooda yaallaan goobihii lagu dagaalamay ee xaafadda Buulo-jaan.
Guddoomiyihii hore ee magaalada Marko Maxamed Cusmaan Yariisow oo hoggaamiya mid ka mida beelaha ku dagaalamaya magaalada ayaa sheegay inay la dagaalamayaan Alshabaab, halka guddoomiyaha xilligan ee magaalada Marka uu caddeeyay in dagaalku u dhaxeeyo laba beelood.
Ciidamada AMISOM ee degan duleedka magaalada ayaan wax tallaabo ah qaadin, kuna lug yeelan dagaalka beeleedka ka socda magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha uu sii kordho.