Sunday, April 14, 2024

Wararkii ugu danbeeyay Dab Qasaare geystay oo qabsaday Suuq Bacaad [Sawirro]

Dab caawa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa geystay qasaare, iyadoo lagu guuleystay in la damiyo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Dabka lagu guuleystay in la damiyo, iyadoo uu saameyn ku yeeshay qeybta sarifka iyo Dharka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koronto, waxaana bas beelay Bakhaar weyn oo dhinac ku haya qeybta sarifka lacagaha, iyadoo markii dambe gaadiidka ab-damiska maamulka Gobolka Banaadir ay bakhtiiyeen inta badan dabkii ka kacay suuqa.

Ad

Ganacsato iyo dadweyne badan ayaa Suuqa ku qulqulaya iyadoo aan la kala garan waayay dadka u socda badbaadinta hantidooda iyo kuwa kale. Waxaa la arkayay dad fara badan oo qalab kala duwan iyo agab la ordaya, waxayna ciidamada ridayeen rasaas fara badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON