Maleeshiyada  Al-shabaab ayaa weerar xoog leh oo ku bilowday Qaraxyo ku qaaday  xalay saqdii dhexe Magaalada Mandheera ee  Waqooyi Bari Kenya.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala beegsaday Hotelka lagu magacaabo Bishaaro Hotel sida uu sheegay booliska Kenya, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayana in 12 qof lagu dilay weerarkaasi.
Taliyaha Booliska bariga Mandheera Ezekiel Singoe ayaa xaqiijiyay in 12 ruux lagu dilay weerarka Alshabaab oo ay ka mid yihiin 20  qof oo socdaal ku joogay Mandheera kana socda wasaaradda Waxbarashada.
Booliska ayaa ku dhex jira hubinta meydadka lagu dilay weerarka oo loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo lagu burburiyay dariiishadaha Hotelka la seexdo, waxayna kadib gudaha u galeen qolalkii ay dadku ku jireen oo ay toogasho kula dhaqaaqeen.
Alshabaab ayaa sheegatay weerarka ka dhacay Mandheera oo ah kii saddexaad muddo bil ah gudaheed, waxayna sheegeen in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay xalay gudaha u galeen degmada Mandera, kana fuliyeen howlgal qorsheysan.
Xaalada magaalada Mandheera ayaa kacsan saaka, iyadoo dhammaan ay xiran yihiin ganacsigii magaalada, isla markaana isu socodka dadka uu yahay ciriiri, waxaana halkaasi La geeyay ciidamo fara badan.
DAAWO VIDEO