Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nin maanta barqadii la sheegay inuu isku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ninkan oo meydiisa laga qaaday qeybta Maacuunta ee Suuqa Bakaaraha ayaa lagu magacaabi jiray Xareed Bakoolow, kana soo jeeda Gobolka Gedo, waxna kusoo bartay dalka Kenya, waxaana da’diisa lagu sheegay ilaa 30 sano jir.
Wararkii hore u soo baxay ayaa sheeganayey in ninka uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan oo oday ah, kaasoo isagu Mindi isku gowracay, laakiin Barre Ismaaciil Aadan oo ay ehel yihiin ayaa sheegya in Marxuum Xareed Bakaalow uu ahaa nin dhalinyaro ah oo caafimaad qaba, ayna ka War heleen geeridiisa oo laga soo qaaday Suuqa Bakaaraha isagoo ay Mindi ag taallo.
Meydka ninkan ayaa la geeyay Xarunta denbi baarista ee CID-da iyadoo baaritaan lagu wado kiiskan, waxayna ehelka ninkan sheegayaan inay ka war sugayaan baaritaanka socda.