Warar is khilaafsa nayaa kasoo baxaya weerar duqeyn ah oo maqribnimadii maanta ay Diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay ku qaaday degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ah goob ay canshuuraha ku qadana Alshabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Mubaarak lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa ku-xigeenkii maleeshiyadaan ee degaanka Mubaarak,lagu dhaawacay 10 kale oo ka tirsan maleeshiyadaan, kuwaasoo uu ku jiro Cusmaan Daa’uud oo ah horjoogihii maleeshiyada Alshabaab ee Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo maleeshiyadaan u qaabilsanaa dhaqaale arurinta.
Dhinaca kale warbaahinta Alshabaab oo soo xigatay dadka degaanka ayaa baahisay in weerarka oo dhacay xilli u dhow Maqribnimada lagu dilay dad shacab ah oo ku sugnaa Busteejada laga raaco baabuurta, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 20 qof.
Dadka ku dhintay weerarka duqeynta ayey sheegtay Alshabaab inay ka mid ahaayeen Darawal gaadiid BL ah, ka shaqeeya gaadiidka iyo shacab kale, mana sheegin cid iyaga ka tirsan oo uiqeynta lagu dilay.
Mid kamida dadkii ay ehelkiisa wax kasoo gaareen duqeyntii galabta ayaa ka warbixiyay qaabkii ay wax udhaceen iyo waxa ay yihiin dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah” ayaa lagu yiri warka ay dowladda Federaalka soo saartay oo aan lagu xusin duqeynta kaalinta Mareykanka.
Qoraalka lagu baahiyey warbahainta dowada laaa lagu qiray in dad shacab ah ay joogeen xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga samaynayay.
20meeyo
Xaaji Gaafow