Iyadoo warar kala duwan maalmihii ugu danbeeyay kasoo baxayeen xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka, ayaa Sheekh caan ah soo tebiyey xalay war naxdin oo ku saabsan xaalada xujeyda Soomaalida.
Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo ka mida culimada ku nool magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu arkey xujey ka badan 400 oo aan heysan cunto, ayna ka mid yihiin dad waaweyn iyo qaar cudduro qaba oo aan gaajada u adkeysan karin, sidaasina ay u galeen shirkadihii qandaraaska ku qaatay.
Farriinta dhiilada xambaarsan ee Sheekha ayaa u qorneyd sida soo socota:
“Subxnalaaaah !! ilaahay swtc uunba kala xisaabtami doona maalin aan maal iyo mansab midna waxba tarayn cidda sidaa u gashay martidaa ilaahay. Waxan dhex fadhiyaa taandho qaada 417 xaaji oo aan anigu gacantayda ku tiriyay. Ilaa saaka hal qof oo cunto loo keenay ma jiro. Qurac iyo qado iyo casho midna ma hayaan !! waxa ku jira dad waawayn oo waayeel ah dad macaan le oo aan gaajo xamilayn, dadba gaajo darteed gariiraya !! Qof kasta oo dadka ka mid ahna waxa laga dhiibay 100$ si u cunto u helo !! xisaabi Aakhiro ayay jirtaa”
Dhibaatada Soomaalida ku qabsaa Xajka ayaa sanado badan joogto ahayd, waxaana sanadkan lagu eedeeyay Wasaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Fecderaalka inay si xun u maamushay xajka sanadkan oo kusoo beegmay xilli kala guur ah.