Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga dhammaday magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo socday 26-27 April 2023, iyadoo ka soo saaray War-murtiyeed.
Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa kala ahaa: Madaxweynaha Somaliya Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Guelleh, Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen.
Qodobada Shirkooda kasoo baxay waxaa ka mid ahaa:
1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.
2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.
3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.
4- Waxaa la bogadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.
5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya.