Shir wadatashiga Beelaha Muddulood oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galeen, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada beeshaasi ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed.
Shirka oo ay ka dhex muuqdeen madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud, Cali Mahdi Maxamed, xildhibaannada labada Gole ee Beeshaasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka maqnaa mas’uuliyiinta beeshaasi ugu jira dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa khudbad kulul ka jeediyey madaxweynihii hore Cali Mahdi oo Beesha Mudullood ku tilmaamay inay Qaran tahay iyo inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inay shir yeelato, waxaa sidoo kale ka hadlay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo isna difaacay qabyadii uu kursiga madaxweynaha uga tegay inay weli u taallo iyo siyaasiyiin kale.
Kulanka ayaa caawa laga soo saaray War-Murtiyeed Guddiga qabanqaabada shirka ay shaaciyeen waxaana qodobadiisa ugu muhiimsanaa:
In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda.
In umadda Soomaaliyeed ay gaarsiiayaan Baaq nabadeed, Midnimo iyo Soomaalinnimo
In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed, xal nabadeedna loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud.
Waxaa loogu baaqayaa Dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay ku dhaqmaan Dastuurka KMG si loo helo xasilooni siyaasadeed.
Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Waxgaradka soo abaabulay shirkan waxay isla garteen in la magacaabo guddi farsamo oo soo qabanqaaniya shirweyne Beesha Muddulood yeelato oo si degdeg loo qabto, kaasoo looga arrinsanayo xaaladda beesha iyo doorkeeda Doorashada 2020/2021, Arrimaha dib u heshiisiinta Hirshabeelle, maamul goboleedyada dalka iyo raadinta xuquuqda siyaasadeed ee dadka Gobolka Banaadir.