Shirkii Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka ayaa caawa laga soo saaray War-murtiyeed aan heshiis ka muuqan oo ku kooban in shirar kale ay jiri doonaan.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u akhriyey War-saxaafadeedka oo kasoo baxay shirka oo laba maalmood ka socday Hotel ku dhex yaalla Garoonka Muqdisho, waxaana qodobadda laga soo saaray ka mida:
1- Kulanku wuxuu bogaadiyay madaxda dowladda Federaalka iyo dadaallada dagaalka Argixisada.
2- Shirku wuxuu bogaadiyay dadaalalada Deyn-cafinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya sida in mas’uuliyadda in ciidamada Qaran ay la wareegaan amniga dalka.
3- Wuxuu bogaadiyay doodaha u adeegaya dhameystirka dowlad dhiska, wuxuuna dareen ka muujiyay maqnaanshaha Puntland ee wadatashiga arrimaha masiiriga ah iyo inay muhiim u tahay ka qeyb-galkeeda.
4- Waxaa jiri doona kulamo iyo wadatashiyo kale oo laga yeelan doono arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Warka laga soo saaray kulankan ayaa u muuqda inaan wax heshiis ah lagu gaarin qodobadii horyaallay oo lagu taliyey in shirar kale la isugu yimaado, lana raadiyo Puntalnd.