Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa War lama filaan ah kasoo yeeray, isagoo u jawaabay Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee maanta Muqdisho kasoo saaray War-murtiyeed ku saabsan Doorashada dalka.
Cumar filish ayaa ku dooday in xukuumadda Soomaaliya ay tanaasul sameysay si doorasho u dhacdo, xaqna u leedahay sida uu yiri inay magacawdo aGuddiga Doorashada sida xukuumadii hore, wuxuuna soo daliishaday Aayad qur’aan ah oo ka hadleysa mufaaqifiin uu Alle amrayo in la dili doono.
“Maanta in nagula handado Anigu hawiye ayaan nahay Qori ayaan soo qaadneynaa.. sax miyaa/ dhinaca kale fiiriye Maxamed Xuseen Rooble Hawiye ma aha miyaa? Ra’iisal wasaare sow maaha..? Guddoomiyaha Gobolka ayaan ahay Gobolkan mas’uuliyadiisa iyo Amnigiisa aniguu i saaran yahay.. anigu Hawiye ma ahi miyaa duurka miyaan ka imid ..? ” ayuu yiri Cumar Filish oo ay caro ka muuqato, lana hadlayey taageerayasha Madaxweynaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu haddana yiri: “Ma ku dhacaan inay qashqashaadaan xasiloonidan aad ogtiiin inta wiil ee idinka dhimatay… Ogaada kuwa soo diray ayey u muujinayaan inay shaqeeyeen… xaqiqadu waa sidaas .. Haddii ay isku dayaan inay qalalaase-na Alle noo tilmaamay tallaabta aan qaadi lahayn..” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish oo daliishay Aayad Qur’aan ah isagoo ku hanjbay in la dilayo lana leynayo meel kastoo ay joogaan.
Aayadaha uu Cumar Filish soo daliishaday waa 59 iyo 60-aad ee Suuratul Axzaab oo kusoo degay Munaafiqiinta.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa warkan ka jeediyey shir uu Maamulka Gobolka soo abaabulay, oo uu ku amray Madaxweyne Farmaajo, sida aan ku baahiyey qoraalka hoose.
