Friday, March 28, 2025

War Cusub oo laga helay Diyaaradii African Express ee ku dhacday Berdaale & Cidda soo riday

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba e xarunta KMG ah maamulka K/Galbeed ayaa sheegaya in diyaaradii xamuulka ahayd ee shalay galab ku burburtay degmada Berdaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya.

Sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ciidamada Itoobiya ayaa ku jiray tababar ‘Dabrid”, waxaana la sheegay in Hubkii ay ridayeen uu haleelay diyaaradda African Express, kaasoo sbabay inay ku burburto meel u dhow garoonka.

Baaritaan ayaa socda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay baaritaan buuxa ku sameyn doonto waxa sababay burburka diyaaadda oo ay ku dhinteen lix qof oo Somali iyo Kenyan ah.

Ad

Diyaaradda oo laga lahaa dalka Kenya, kala bar dadka ku geeriyoodayna ay Kenyan yihiin ayaa arrintan ka dhigeysa inay ka wadahadlaan dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ciidamo ka wada joogaan Soomaaliya, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo si lama filaan ah ula wareegay Garoonka
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON