Thursday, April 24, 2025

War cusub oo kusoo kordhay Haweeney meydkeeda laga helay Hotel ku yaala Muqdisho & Tacadi loo geystay..

War cusub ayaa ku soo kordhay marxuumad Sumaya Yuusuf oo meydkeeda laga helay Saaka Hotel ku yaalla Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah oo laga helay baaritaanka lagu sameeyay Marxuumad Sumaya oo ahayd hooyo dhashay shan caruur ah ayaa laga soo xigtay saraakiisha booliska in tacadi lagu sameeyay, isla markaana ceego lagu dilay, laakiin weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada Booliska oo kiiskan gacanta ku haya.

Meydka haweeneyda ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer oo baaritaan lagu sameeyay, waxaana hadda la baadi goobayaa nin looga shakisan yahay falkan oo la sheegay inuu hotelka deganaa, isla markaana uu baxsaday falkan kadib, balse la helay dokumenti uu leeyahay.

Ad

Ma cadda sida ay marxuumad Suleeqa ku tagtay hotelka, laakiin wararka ayaa sheegaya in ninkan falka looga shakisan yahay uu muddo dheer raadinayey, kadibna uu ku qanciyay inay kulmaan, waxaana falkan uu noqday mid naxdin leh oo lama filaan ku noqday ehelada haweeneydan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole.

Haweeneydan ayaa la sheegay in hore looga dilay ninkeeda oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, iyadoo heysatay afar caruur oo agoon ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON