Wednesday, February 19, 2025

Hay’adda NISA oo shaacisay inay Alshabaab dileen Ikraan Tahliil iyo Warbixin Tacsi wadata oo ay dirtay

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa goor dhoweyd caawa shaacisay in Alshabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd NISA, muddo ka badan 2 biloodna la weysanaa.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA oo lagu baahiyey warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in dabagal ay muddo waday Hay’adda lagu helay warbixin ah inay Ikraan u gacan gashay Alshabaab, kadibka ay dileen.

Warka NISA ayaa u qoraa sida soo socota:

Ad

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyoNabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.

HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixinmuujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil.

Ilaahay Ha u naxariisto. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON