Friday, March 14, 2025

WAR CUSUB: Fahad Yaasiin oo Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaalla ku eedeeyay Dilka Ikraan Tahliil

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa qarxiyey arrin aan la filayn oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad ka tirsan NISA, horena loogu eedeeyay in dilkeeda.

Wareysigii ugu horeeyay ee lala yeesho ayuu agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil, isagoo dusha u saaray Saddex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta uu dilka Ikraan Tahliil ku eedeeyay ayaa kala ah: Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mahad Maxamed Salaad oo hadda ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Ad

“Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Raysal Wasaaraha. Waxay ahayd shaqodoon. Kadib Mahad Salaad ayaa Gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay degaanka Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay. Halkaas ayaana lagu dilay. Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad’’ ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu intaas ku daray in Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil uu lahaa Mahad Salaad, Farsamadana uu sameeyay C/raxmaan Al-Cadaala. Maskaxdana uu lahaa Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo Dilkana ay fuliyeen Al Shabaab.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey: “Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ah mid la yaab leh, marka la eego sida kiiska u dhacay, xilliga uu dhacay, baaritaanka ay hor istaageen in dilka Ikraan lagu sameeyo Farmaajo iyo Fahad, waxayna xaalada ka dhigeysaa mid aan la rumeysan karin, oo haki badan sii gelineysa kiiska Ikraan Tahliil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON