Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Faarax oo ka soo jeeda beesha Shanaad ayaa u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay tallaabo lama filaan ah oo aan hore loo fileyn.
Musharaxnimada Xildhibaan Faarax oo hore u soo noqday  wasiir, isla markaana  ah saaxiibka koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo baxday maalmihii ugu danbeeyay.
Jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa noqoneysa tan ugu adag ee lagu loolamo iyadoo ay hadda u sharxan yihiin 4 musharax oo si rasmi ah u gudbiyay araajidooda, lana filayo in ugu yaraan 2Â kale ay ku soo biiraan.
Goobjooge.com