Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada ururrka Al-Shabab ay u diyaar garoobayaan weerar ay ku qaadaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo xoog leh oo ka tirsan Alshabaab ay kaabiga ku hayaan degaan la sheegay inuu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka tirsan Gobolka Bakool oo hoos taga Xudur.
Mukhtaar Roobow oo dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaadka madaxooda la saaray lacagta ee Mareykanka ayaa la sheegay inuu hanjabaad is daba joog ah kala kulmayay kooxda Alshabaab kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in liiska argagixisada Mareykanka laga saaray.
Khilaaf dhex maray xubno uu ka mid yahay Sheekh Mukhaar Roobow ayaa keenay in la laayo madax ka tirsaneyd Alshabaab oo Soomaali iyo Ajnabi isugu jira, iyadoo uu markaas baxsaday Sheekh Roobow oo hadda soo jiitay indhaha Alshabaab markii Mareykanku liiska argagixisada ka saaray, isla markaana la sheegay in waanwaan u socoto dowladda Federaalka.
Goobjooge