Sunday, April 27, 2025

War ay Ciidamada dowladda ka faafiyeen kooxda Farmaajo oo la beeniyay

Saraakiil iyo Xildhibaanada hoggaaminaya dagaalka Alshabaab ee ka socda Gobolka Galgaduud ayaa beeniyay War ay faafiyeen kooxda ku xiran Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Warkaas ayaa ahaa in ciidamada dowladda ay isaga baxeen degmada Ceeldheer oo bishii Janaayo ay qabsadeen ciidamada dowladda, waxaana isla markii warkaasi soo baxay jawaabo culus soo saaray saraakiil, mas’uuliyin iyo xildhibaano oo arrintaas ku tilmaamay mid lagu taageerayo Alshabaab.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud “Yaasiin Farey” oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa beeniyey inay ciidamada dawladdu ka baxeen, dibna uga soo gurteen degmada Ceeldheer.

Ad

Wuxuu caddeeyay in ay wararkaasi yihiin been abuur, isaguna ku sugan yahay magaalada, wuxuuna xldhibaanka faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Sabtidii ka dhacay degaanka Cows-weyne.

Wararkii ugu danbeeyay ee hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ka tirsan aagagga Galgaduud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON