“Waa bani’aadam qoraxda ku shaqeeya, maalintii waa caadi, habeenkiina waxay noqdaan curyaan aan socon karin”
Dhaqaatiirta dalka Pakistan ayaa ku wareersan xaalad naadir ah oo heysata laba wiil oo walaalo ah oo la keenay Isbitaal ku yaala magaalada caasimadda u ah dalkaasi ee Islamabad, iyagoo raadinaya inay fahmaan sababta keentay in wiilashada walaalaha ah ay habeenkii noqdaan dad aan dhaqaaqi karin oo curyaan ah, xaaladaasi oo ku timaada isla marka ay qoraxdu dhacdo, kadibna maalintii ay caadi noqdaan.
Labadan wiil oo magacyadood la kala yiraahdo C/rashiid oo 9 sano jir ah, iyo Shuceyb oo 13 sano jir ah waxaa loogu magac daray “Wiilasha Qoraxda ku socda”, waxayna maalintii oo dhan yihiin kuwo nashaadkoodu sareeyo oo aan wax dhibaato ah qabin, waxayna u hadlayaan si caadi ah inta ay maalin tahay, laakiin isla marka ay qoraxdu dhacdo waxay isu bedelaan dad curyaan ah oo aan dhaqaaqi karin, hadli karin, isla markaana aan waxba cuni karin.
Dhaqaatiirta dalka Pakistan ayaa baaritaan ku haya wiilashan si ay u ogaadaan sababta cudurkan habeenkii ku kooban u keenay, waxaana la baarayaa sidoo kale carrada guriga ay ku nool yihiin, hawadiisa iyadoo ay qarashka bixineyso dowladda dalkaasi, taasoo ka timid qoyska wiilashada oo ah dad faqiir ah kuna nool magaalada Quetta, gobolka Balochistanee bariga dalkaasi ku taala.
Qaar ka mida dhaqtarada ayaa arrintan u aaneynaya in cudurka curyaanimada habeenkii ah uu ka dhashay dhibaato dhinaca hide-sideyaasha ah, waxayna caddeyeen in cudurkani yahay mid aan dunida hore loogu arag oo gebi ahaan ku cusub arrimaha caafimaadka.
Labada wiil ee walaalaha ah wuxuu cudurkani ku yimid iyagoo sanad qura jira, waxayna waalidkooda sheegeen in muddo 12 sano ah ay meel waliba la mareen oo dawo kasta ku tijaabiyeen, laakiin aan wax caafimaad ah loo helin cudurka habeenlaha ah ee haya.
DAAWO SAWIRRO