Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday qabanqaabada shirka madaxda maamul Goboleedyada, Xukuumadda Federaalka iyo Gobolka Banaadir oo la filayo inuu furmo 20-ka May 2021.
Shirkan ayaa waxaa ku baaqay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii arrimaha Doorashada iyo Amniga uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyey inay socoto u diyaar garowga Shirka 20-ka May oo ay ka qeyb galayaan Madada Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.
“Gudiga qaban qaabada shirka ee ka socda dowlad Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdsiho, waxaana kulanka ay yeesheen soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa aqbalay shirka uu ku baaqay RW Rooble, iyadoo hadda la diyaarinayo ajendaha shirka iyo arrimaha ku xeeran oo ay ka mid tahay shir guddoomintiisa.
