Wakiilo ka kala socda Madasha Xisbiyada ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Waxaa labada dhinac kala metelayay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo xoghayaha Madasha Xildhibaan Axmed C/llaahi Fiqi, waxaana looga hadlay sidii diyaarin lahaa kulan dhex maraya dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo inta badan loo aaneeyo inuu leeyahay go’aanada waaweyn ee dowladda qaadato ayaa hoggaaminaya dadaalka loogu jiro in la yareeyo xiisada ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo si weyn uga hor yimid siyaasadda dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen ajendayaasha shirka madaxda labada dhinac oo ay ka mid yihiin dhibaatadii lagu xayiray safarro ay ku tegi lahaayeen magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne, waxaa kaloo ajendayaasha ka mida Doorashada soo socota iyo hab dhaqanka dowladda.
Waxaa lagu wadaa aakhirka toddobaadkan inay kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoo kulankaasi laga filayo inay isu soo dhowaadaan labada dhinac oo dagaal culus oo afka ah ku dhex maray baraha bulshada.