Thursday, April 24, 2025

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya oo si weyn u amaanay ciidamada Dowladda iyo Macawisleyda

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf ayaa qoraal hambalyo iyo bogaadin ah u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee Alshabaab ka xoreeyay degmada Aadan Yabaal.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Danjire Seyf.

Wuxuu sheegay in howlgalka ATMIS uu sii wadi doono inuu kala shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada iyo in ay amni iyo xasillooni ku soo dabbaalaan dalkooda.

Ad

Dhinaca kale Taliyaha KMG ah ee Ciidanka ATMIS Jeneraal Keith Katungi, ayaa sheegay in ATMIS ay taageero la garab taagnayd ciidamada Soomaaliya, ayna dhinaca hawada ka caawiyeen duqeyn iyo gargaarka degdega ahba.

“Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii ay howlgalladan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka ee dhulka ka dagaallamaya.” ayuu yiri taliyaha oo sii “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON