Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si degdega saaka u tegay Xarunta Afisyoone ee aagga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Farmaajo ay halkaasi ugu yeereen wakiilada Beesha Caalamka oo kulan gaara la leh, waxaana loogu yeeray in lasoo gaarsiiyo go’aan ku saabsan muddo kororsiga uu ku dhaqaaqay, sida ay sheegeen ilo ku dhow beesha Caalamka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay kacsaneyd xaalada Muqdisho, isla markaana laga cabsi qabo inay isku dhacaan ciidamada ka wada tirsan dowladda oo qaab kala duwan u abaabulan.
Beesha caalamka saameynta leh sida Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo AMISOM ayaa hore u caddeeyay inaan la aqbali karin muddo kororsiga Aqalka Hoose u sameeyay Maxamed Farmaajo, isla markaana haddii lagu socdo ay ka dhalan doono cunaqabateyn iyo taageerada oo laga joojiyo Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inuu laba sano kursiga sii joogo, taasoo si weyn uga careysiiyey dadka Muqdisho, ururadda Bulshada, maamullada Puntland, Jubbaland iyo Beesha Caalamka.
