Friday, March 14, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan la yeeshay Maxamed Farmaajo iyo Go’aanno Cad oo la siiyay

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulan fogaan arag ah maanta la yeelatay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo kala hadlay xaaladda dalka iyo xiisadda ka dhex taagan isaga iyo Ra’iisal wasaaraha.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska UNSOM ayaa wararku sheegayaan in wakiilada Beesha Caalamka ay Farmaajo gaarsiiyeen doonaan farriin ah inuu faraha kala baxo Doorashada, isla markaana gacan ku siiyo Ra’iisal wasaraha dhammeystirka Doorashada.

Xiriiro ay hore ula sameeyaan wakiilada qaarkood sida Mareykanka iyo UK ayaa Farmaajo loogu caddeeyay inaan la aqbali karin tallaabada uu shaqada uga joojiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo loogu baaqay inaanu xaalad amni abuurin.

Ad

Go’aannada Beesha Caalamka ka qaateen Madaxweynaha xilkiisu idlaaday ayaa kala ah:

1- Inuu Ra’iisal wasaaraha ku taageero dhammeystirka Doorashada

2- In la qabto shirkii Golaha Wadatashiga ee Ra’iisal wasaaruhu ku baaqay si loo saxo khaladaadka Doorashada

- Advertisement -

3-Iyo in degdeg loo dhammeystiro waqti kooban Doorashada, iyadoo laga fogaanayo xiisad iypo adeegsi ciidan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON