Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Brussels ayaa sheegaya in wafdigii maamulka Jubbaland uu ku biiray shirka arrimaha Soomaaliya ee ka furmay maanta halkaasi.
Wadahadal dhex maray Saraakiisha Midowga Yurub iyo Wafdiga Axmed Madoobe ayaa looga hadlay arrintii keentay inay ka qeybgeli waayeen furitaanka shirka, iyadoo dhinaca Jubbaland ay ku doodeen in wax ka bedel lagu sameeyay ajendihii shirka.
Kadib wadahadalka labada dhinac ayaa la sheegay in wafdiga Jubbaland uu ku biiray shirka, waxayna sheegeen in loo sharxay, lagana raali geliyay khalad ay sheegeen inuu dhacay, dibna loo saxay ajendaha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay midowga Yurub, waxaana si caadi ah u socday shirka inkastoo ay ka maqnaayeen furitaankiisa wafdigii Axmed Madoobe ee maamulka Jubba.