Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa ka degay agaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyagoo ka yimid dalka Qatar.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir Madaxeedka 32-aad ee Jaamacadda Carabta oo Sacuudigu marti gelinayo, kaasoo looga hadlayo Xaaladda dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.
Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin jooga shirka Jaamacadda Carabta, waxaana la filayaa inuu shir doceedyo la yeesho Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta.
Waxaa Garoonka Boqor C/casiis ee magaala Jiddah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya kusoo dhoweeyay Amiirka Gobolka Maka, Xogyahaya guud ee Jaamacadda Carbata iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya.