Saturday, May 17, 2025

Wafdi ka socda Itoobiya oo tegay magaalada Hargeysa, kadib wafdigii Masar

Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee Somaliland, kadib markii uu halkaasi tegay wafdi ka socda dalka Masar, taasoo ka careysiisay dowladda Itoobiya.

Wafdiga Itoobiya waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana la socda mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Itoobiya, iyadoo wararku sheegayaan in wafdiga Itoobiya uu la kulmi doono Madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Itoobiya ayaa la sheegay inay ka carootay wafdi ka socda dowladda Masar oo dhowaan booqday magaalada Hargeysa xilli ay xiisad ka dhex taagan tahay dalalka Itoobiya iyo Masar, waxaana la hadal hayey in Masar ay Somaliland kala hadashay saldhig milatari oo ay ku yeelato maamulkaasi sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya.

Ad

Somaliland ayaa u muuqata inay dhexda u gashay xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Masar oo ku saabsan biyo xireenka Webiga Nile ee ay Itoobiya dhistay iyo qeybsiga Biyaha webiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON