Saturday, April 26, 2025

Wafdi ka socda Gaashaandhigga Dalka Qatar oo Muqdisho ku yimid booqasho aan la shaacin

Wafdi ka socda dowladda Qadar ayaa maanta kasoo degay garoonka Diyaaraddaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo socdaalkoodu ahaa mid aan la shaacin.

Waxaa Garoonka ku soo dhoweeyay wafdiga  xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo la sheegay in isla markiiba loo galbiyey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in wafdiggaan ka socda Wasaaradda Difaaca Qatar ay la kulmi doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir aad udhow.

Ad

Wafdiga ayaa la sheegay inay yihiin kuwo farsamo oo isugu jira Saraakiil iyo Agaasime Waaxeedyo  ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qarar oo qiimeyn ku sameynaya baahida ciidamada Soomaaliya iyo wasaarada Gaashaandhigga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON