Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in wafdi ka socday dalka Imaaraadka laga hor istaagay inay tagaan magaalada Garacad ee gobolka Mudug.
Wafdigan Imaaraadka oo aan ujeedkooda la ogeyn ayaa waxaa wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxayna kusii jeedeen magaalada Garacad, waxaana inay halkaasi tagaan diiday oo ka hor yimid maleeshiyo degaanka ah oo is abaabushay.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay maleeshiyadu qabsatay Garoonka diyaaraha Garacad, ayna diidan yihin inay halkaasi tagto diyaaradda sida wafdiga Imaaraadka oo lagu waday inay ka duusho Garoonka Magaalada Garowe.
Ciidamo ka socda Puntland ayaa loo diray Garacad, waxaana la sheegay inay socoto waanwaan lagu doonayo in lagu xalliyo is hor-istaaga lagu sameeyay diyaaradda inay ka degto magaalada Garacad.
Magaalada Garacad ayaa waxaa ka socda dhismaha dekad ay dadka degaanka maalgeliyeen, waxaana shaki badan laga qabaa ujeedka Dowladda Imaaraadka.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo arrintan ku saabsan, iyadoo weli ay xaaladu taagan tahay.
