Tuesday, October 15, 2024

Wadahal Xasaasi ah oo Baydhaba uga socda Ra’iisal Wasaare Xamse iyo C/casiis Lafta-gareen

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, isagoo bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay qoraal ka so baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamsa ayaa qeyb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Safarka Ra’iisal wasaare Xamse ayaa imaanaya, iyadoo ay xiisad ka dhex oogantay maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, taasoo salka ku haysa ciidamada Itoobiya ee jooga degaanada Koonfur Galbeed.

Ad

Dood xoog leh ayaa ka dhashay dadweyne iyo xildhibaano heer federaal ah oo taageeray joogitaanka ciidanka Itoobiya, kana horyimid imaatinka ciidamada Masar la keeno dalka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa isna caddeeyay inaysan cidna marti ugu ahayn dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna taageeray xildhibaanada federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON