Wednesday, September 18, 2024

Wadahadalkii Somaliya iyo Itoobiya oo ka furmaya Turkiga iyo isbedel ku yimid Itoobiya

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ayaa yeelanaya wareegii labaad ee wadahadal uu dhexdhexaadinayo Turkiga, kadib horumar kooban oo laga gaaray Qodob ka mida arrimihii la isku hayey.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa u dhoofay dalka Turkiga, iyagoo casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga.

Wafdiga ayaa Dowladda Soomaaliya u meteli doona wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, sida lagu sheegay war ay faafisay Wasaaradda Arrimaha dibaddda Soomaaliya.

Ad

Wadahadalka cusub oo lasoo hor mariyay ayaa magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, waxuuna ka danbeeyay socdaal uu Wasiirka Arrimaha dibadda Hakan Fidan ku tegay dalka Itoobiya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa laga soo xigtay in Itoobiya ay dhowreyso Madax bannaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya, taasoo muujineysa in horumar laga gaaray Qodobkii ugu weynaa ee ku hor gudbanaa wadahadal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Somaliya.

Culeyska Itoobiya la saaray iyo waanwaanta Turkigu kusoo dhex galay labada dal ayaa u muuqata inay Itoobiya dooneyso wadahadal toos ah oo ay la gasho dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON