Wararka laga helayo dalka Turkey ayaa sheegaya in la isku mari waayay wadahadalsiin aan toos ahayn wafdiyo oo ka kala socday dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, ku yeesheen magaalada Ankara, iyadoo ay u kala dab qaadeysay dowladda Turkiga.
Kulankan oo dowladda Turkiga ay qabanqaabisay ayaa wararku sheegayaan in wax horumar ah laga gaari waayay markii wafdiga dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysteen inaysan gorgortan ka galaynin is-afgaradkii Badda ee Itoobiya ula saxiixatay maamulka Somaliland.
Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan oo ay dhinacyada ka taagnaayen wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay kaliya inay kulamada sii socon doonaan iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay muujiyeen rabitaan wadajir ah oo ay ku xalliyaan arrimahooda.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Fidan wuxuu intaas ku daray in wada-hadallada Ankara ee Somaliya iyo Itoobiya lagu gaaray horumar la taaban karo, isla markaana wareeggii labaad ee wadahadallada uu bisha September mar kale ka dhici doono dalka Turkiga
Ilo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa laga soo xigtay in dowladda Turkiga ay cabsi ka qabto in Itoobiya aysan ka noqon heshiiska ay ku dooneyso inay ku hesho saldhig iyo qeyb ka mida Badda Soomaaliya, taasina ay fashiliso waanwaanta uu wado.
Turkiga ayaa xiriir dhow la leh dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu dowladda Abiy Ahmed garab ku siiyay inay ka adkaato maamulka Tigray markii Itoobiya heshay diyaaradaha Drone-ka ee Turkiga, halka uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iyo amni iyo dhaqaale.