Wednesday, September 18, 2024

Wadahadalka Somaliya iyo Itoobiya oo maanta ka furmaya Turkiga iyo Digniin laga bixiyay Qorshaha Itoobiya

Waxaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka furmaya wareegii labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhexdhexaadineyso dowladda Turkiga.

Wadahadalkan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lasoo hormariyay, kadib markii uu wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ku tegay Addis ababa, waxaana socdaalkaas kasoo baxay tanaasul kooban oo ka yimid Itoobiya.

Waxaa dalka Turkiga gaaray Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atske Selassie, waxaana wehliya wafdiyo ay hoggaaminayaan, iyadoo ay isaga dab qaadayaan diblomaasiyiinta Turkiga, waxaana rajo laga qabaa si toos ah u wadahadlaan labada wafdi.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga uu bilaabay wadahadallo uu isaga dab qaadayo labada dhinac, wuxuuna kulamadii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xiriiro toos ah la sameeyay oo khadka Telefoonka kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu ugu gogol xaaro wadahadalka labada dal.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya kadib xiriirkii uu la yeeshay Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu sheegay in Dadka Itoobiya oo dhan 120 Milyan ay muhiim tahay inay helaa Marin Badeed oo labada dhinacba lagu heshiiyo.

- Advertisement -

Erdogan oo sidoo kale khadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inuu ka dhawaajiyay inuu rajeynayo inay natiijo lagu gaaro wareegga labaad ee wadahadallada.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi dhaqaale iyo mid horumarineed la yeelato Itoobiya.

Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka digay in wadahadalka Turkiga ay Itoobiya adeegsato khiyaamooyin halis ku ah midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya, waxayna ku booriyeen dowladda iyo wafdiga Soomaaliya inaysan ka tanaasulin Qaranimada iyo gorgortan laga galo qodobadii hore u taagnaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON