Wednesday, March 26, 2025

Waanwaantii ugu danbeysay oo laga dhex wado Ahlu suna & Dowladda Somalia (Hakad la geliyey howlihii Doorashada..)

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la hakiyey howlhii maamul u sameynta maamulka Galmudug oo la filayay in toddobaadkan ay bilaabato iyadoo la xareeyay odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Waxaa socda dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhaxeeya Ahlu suna iyo dowladda Federaalka Somaaliya oo ku saabsan tabashada Ahlu suna ee ah in la siiyo 35 xildhibaan oo ka mida xildhibaannada cusub ee Galmudug oo ay doonayana inay iyagu soo magacaabaan.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu xiriir dhex maray xubno aad ugu dhow hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud iyo Madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana waanwaanta cusub oo ah tii ugu danbeysay ee heshiis looga raadinayo Ahlu suna hoggaaminaya wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii KMG ahayd C/samad Macaalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu suna.

Ad

Lama oga in dowladda Soomaaliya ay u tanaasuli doonto Ahlu suna iyo in xal meel dhexe ah laga gaari doono arrinta Ahlu suna, laakiin waxaa marar badan fashilmay shirar aan kala go’ lahayn oo dhex maray labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saart ay 44 oday ee Galmudug oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug oo ka kooban 89 mudane, waxaana hor loo soo saaray jadwalka doorashada Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON