Maalmihii la soo dhaafey, waxaan faraha isula tagney Caabuqa COVID19 oo la iga heley, Allihii iga fududeeyey khatartiisa ayaana mahad oo dhan iska leh.
Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa madaxda iyo shaqaalaha Isbitaalka Martiini, ayna ugu horeeyaan Agaasimaha Isbitaalka Dr. Cabdirisaaq Yusuf oo isaga oo dalka ka maqan talo iyo dhiiragelin ila garab taagnaa, Kusimaha Agaasinka isbitaalka, iyo sidoo kale madaxa kalkaaliyeyaasha Isbitaalka Drs. Aasiyo oo dhinaca daweynta iyo mooralka iga caawisey, talooyin baddana i siisey.
Waa xanuun caadi ah, wuxuuna leeyahey khatar, wuxuu u egyahey hergabka ama dureyga, waxaana ku tilmaami karaa Hergab cuqdad qaba oo xaasid ah. Boqolkii qof ee talo ku siisa, kama heleysid labo isku talo ah. Shaqooyinkeyga ayaan iskaga jirey aniga oo ilaah ayaa ii yasirey, howshuse ma fududa!
Dagaalka weli ma dhamaan, laakiin haddii uu ku haleelo, waxaan kugula talin lahaa;
1) Karaantiil is geey oo ka badbaadi dadka kale;
2) Ha argagixin oo is deji, waa xanuun caadi ah, Allah talo saaro oo ku qanac qaddarta, baryihiisana badi
3) La tasho dhaqaatiirta
4) Isku tasho oo Jimicsi samee, Biyo badan cab, Cuntada hagaaji intaad awooddo, Hurdada yareey, Geed kuleylka badso, iska qalaacuudso (Dhirta ku uunso …)
5) La soco xaaladda neefsigaaga
6) Ka fogoow qabowga badan
7) U badnaaw hawo furan oo dabiici ah
8) Qandhada jirkaaga la soco oo haddii ay aad u sareyso, isticmaal dawoonyinka qandhada jabiya ee dhaqtarku kugula taliyey
9) Murugada ka ilaali qoyska iyo asxaabtada oo ha u sheegin wax kasta oo aad dareemeyso
10) Iska yareey isticmaalka dawooyinka intaad kaa maarmi karto.
Dhammaan inta ducada, talada, iyo dareenka wanaagsan ila garab joogtey, aad ayey u mahadsan yihiin! Si gaar ah walaalkey iga weyn Cumar Aadan iyo dhammaan xubnaha kale ee aan guriga wada joogno.
Allaah waxaan ka baryaayaa inuu ka badbaadiyo howlwadeenada HSJ iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo duruufo kale oo badan ay hadaba heystaan.
Allaa Mahad Leh

W/Q: Col. Mohamed Adan Kofi
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha