Thursday, March 20, 2025

Ururka Hilaac ee Somaliland oo kala jabay iyo Prof. Axmed Ismacil Samatar oo xilkii laga qaaday

Urur siyaasadeedka Hilaac ee maamulka Somaliland ayaa laba garab u kala jabay, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay Doorashada maamulka Somaliland.

Garab ka mida Ururka Hilaac ayaa maanta ku dhawaaqay inay maamuuskii Gudoomiye ee ururka Hilaac Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, waxayna shir jaraa’id ka sheegeen inay isku dhaceen markii ay isku qabteen falal uu ku kacay.

Prof. Samantar ayaa diiday inuu ka qeyb galo doorashada Ururada Somaliland ee 2024, isagoo caddeeyay in shakhsiyan go’aansaday in nuusan ka qeyb galin doorashooyinka Somaliland sida loo dhigay.

Ad

Wuxuu ku dooday inuusan ku tartami karin go’aankii kasoo baxayn gudiga beesha Habarjeclo oo ahaa kan lagu dhisay doorashada Somaliland. “Reerkan isa soo urur saday ee soo saaray groupkan af duubay wadanka, aniga iyo dadkaan matalo cid kala soo hadashay ma jirto” ayaana laga soo weriyay.

Garab ka mida masuuliyiinta sare ee urur siyaasadeedka Hilaac ayaa shaaciyay ugu danbeyn inay xilkii ka qaadeen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, taasoo mugdi gelineysa rajadii ururka Hilaac ee la filayay inuu noqdo xisbi buuxa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON