Monday, February 10, 2025

Ururka Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka ICG oo digniin kasoo saaray halista Khilaafka Khaliijka ee Somalia

Ururka xasaradaha adduunka ee ICG ayaa ka digay in khliaafka weyn ee u dhexeeya dowladaha khaliijka Carabta uu halis ku yahay, isla markaana uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada isku haya muranka khaliijka ee Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinaca kale ah, wuxuuna ururku sheegay in taasi waxay khatar gelin karto qalalaasaha isa soo taraya ee ka dhex taagan dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada iyo maamulka la baxay Somaliland.

Kolkii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xiriir laleh labada dhinacba, waxaana isku dhacay dowladda Federaalka oo qaadatay dhexdhexaadnimo u janjeerta Qatar iyo maamul Goboleedyada iyo Somaliland oo la safrtay Imaaraadka.

Ad

Ururka xasaradaha caalamka ka talo bixiya ee ICG ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON