Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland oo ka mida ururradii galay doorashada Golayaasha Degaanka maamulkaasi ee kaalimaha hore galay ayaa ka baxay doorashada Qof iyo codka ah ee Puntland.
Bayaan uu soo saaray, kadib shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiinta ururka Mideeye ayey si rasmi ah ugu dhawaaqeen mowqifkiisa ka qayb-galka hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.
Ururka Mideeye ayuu gebi ahaan qaadacay ka qayb-galka doorashooyinkaas ku salaysan hannaanka xisbiyada badan, wuxuuna si kulul u cambaareeyay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland iyo sharci jebinta uu ku kacay madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Mideeye wuxuu sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan qayb ka noqon taageeridda hannaanka doorashooyinka Puntland ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah ka socda.
