Sunday, May 25, 2025

Uhuru Kenyatta oo la caleema saaray [Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda uga baaqday xafladda arrimo…]

Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa maanta loo kala dhaariyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya kadib munaasabad balaaran oo ka dhacday Nairobi.

Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin banaanka la suray ka daawanayeen.

Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka. Ciidammada Kenya ee kala duwan ayaa gaado ka ciyaar kusoo bandhigay goobta. Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa dhaariyay xaakimka sare David Maraga oo ahaa xaakimkii laalay natiijada doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto.

Ad

Uhuru Kenyatta in the Nairobi stadium, 28 November Mr Kenyatta will be serving his second term as president

Isagoo kor u haya kitaabka Bible-ka ee diinta masiixiga ayuu Uhuru ku dhaartay inuu dalkiisa u shaqeyn doono, isla markaana fulin doono sharciyadda iyo dastuurka u u yaalla dalkaasi.

Waxaa munaasabadda ka baaqsaday Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu oo hore loo shaaciyay inuu ka qeyb galayo caleemo saarka, taasoo lagu sheegay inay timid kadib arrimo dhinaca ammaanka ah oo kula taliyay Netanyahu inaanu ka qeybgelin xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya.

- Advertisement -

Saxaafadda Israel ayaa sheegtay in baaqashada Netanyahu ay salka ku heyso arrimo ammaankiisa ku saabsan, iyadoo goobta ay ka dhaceyso caleemo saarka ay ahayd meel garoon ah oo dad fara badan imaanayeen, taasoo keeni kartay in ammaanka Ra’iisal wasaarha Yuhuudda uu halis galo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Netanyahu uu xilli danbe gaaray magaalada Nairobi isagoo madaxtooyada Kenya kulan kula qaatay madaxweynaha la caleemo saaray, halkaasoo uu kulamo kula qaatay.

.

Mar sii horeysay ciidamada booliiska ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furay taageerayaasha Kenyatta oo isku dayayay in ay xoog ku galaan garoonka xili kuraastii ay ka buuxsantay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, isaga oo sheegay in isla maanta xaflad baroor diiq ah ay ku qabanayaan meel Nairobi ka mid ah, taas oo loogu murugoonayo dadkii ay Booliiska laayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON