Thursday, April 24, 2025

Ugaaska Beesha Xawaadle oo qaadacay Shirka Jowhar & Go’aano culus oo kasoo baxay

Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xilka ka dhaxlay walaalkiis Ugaas C/raxmaan oo dhowaan geeriyooday balse aan weli la duubin ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay shir ay beeshiisa ku lahayd magaalada Beledweyne ku sheegay arrimo fara badan oo go’aan cad uu ka gaaray maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in Hiiraan ay ka mid ahayd 8-dii  Gobol ee dalka ka jiray kacaanka ka hor, isla markaana aysan aqoonsaneyn 18-ka gobol ee Siyaad Barre sameeyay, wuxuuna intaas ku daray in Hiiraan ay keligeed tashaneyso oo aanay jirin cid ay wax ku darsaneyso.

Ugaaska cusub wuxuu go’aamiyay in Beesha Xawaadle aanay qeyb ka ahayn shirka Jowhar, isla markaasina aysan u socon, cid beeshaas ka socotana aysan aadi karin, wuxuuna caddeeyay inuu bilaabayo la tashi beelaha kale ee reer Hiiraan.

Ad

Ugaaska Beesha Xawadle ayaa sidoo kale cambaareeyay nidaamka Federaalka ee la sheegay in Soomaaliya ay qaadatay, kaasoo uu sheegay in loo baahan yahay in dalka laga xoreeyo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON