Odayaasha dhaqanka Beesha Gaaljecel ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho klasoo saaray go’aankooda ku saabsan arrinta Ikraan Tahliil Faarax.
Odayaasha ayaa sheegay inaysan gabadhood ku ogaayeen Hay’adda NISA, isla markaana aan tacsi loo diri karin, dhinacoodana ay tahay qof u nool oo ayusan aqbali karin in 70 maalmood kadib ay NISA sheegto in la dilay.
Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi ayaa sheegay inay kla yaabeen warka kasoo yeeray NISA, isla markaana aan la aqbali karin oo qof caqli leh aanu qaadan karin.
“Waxaan aad iyo aad uga xunnahay warka kasoo yeeray NISA oo ah wax aan fahmi weynay ujeedkooda oo runtiina aan ku dhibtoonay… waxaan leenahay Ikraan waxaan aamisanahay in gabadhaasi ay hay’adda NISA heysto, waxaan sugeynay in maxkamad la soo saaro haddii denbi lagu heyso… Ikraan waxaan aamninsanahay inay nooshahay, tcasiyado lama gaarin, mana loo tacsiyadeynaayo, annaga nolol ayaan ku ognahay..” ayuu yiri Ugaaska Gaaljecel.
Odayaasha Beesha ayaa dalbaday inay HJay’adda NISA inay Ikraan Tahliil Faarax nolol ku keenaan, haddii ay dileenna ay meydkeeda keenaan, iyagoo ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed in arrintan loo kaco si ay cadaalad u hesho.
Waxay ku baaqeen inaan arrinta Ikranb darteed loo dhibaateyn dad beel gaara ah, arrinteedana ay tahay mid nidaam dowladeed loo marayo.
