Dhaco aan hore loo adag ayaa magaalada Hargeysa laga soo weriyey, kadib markii xalay Tuugo ay Guri u dhaceen, kadibna ay ka xadeen gabar yar oo shan sano jir ahayd.
Qoyska arrintan ku dhacday ayaa deganaa xaafadda Xeero ee magaalada Hargeysa, waxaana xalay xilli danbe la jeexay Guri Jiingad ah oo ay hurdayeen, kadibna ay qaateen gabadh shan sano jir ah oo lagu magacaabo umtaaz Maxamed Xasan.
Baaritaanka Gabadha la xaday ayaa ka socda magaalada Hargeysa, waxaana Booliska uu ku jiraa baaritaanka lagu baadi goobayo gabadha la xaday.
Waxaa lagu tilmaamay dhacdo aan hore loo arag oo ku cusub dadka magaalada Hargeysa, iyadoo dhaca caruurta guryahooda loogu galo habeenkii aan lagu aqoon halkaasi.
