Hay’adda Iskaashiga & Xiriirinta dowladda Turkiga ee TIKA ayaa Somaliland ayaa Somaliland ugu deeqday agab caafimaad oo lagu dagaalamayo Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.
Agabkan oo ay isticmaali doonaan 12 Isbitaal iyo 6 xarun caafimaad oo Somaliland ku yaalla ayaa Khamiistii maanta waxaa guddoomay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, iyadoo ay tahay deeqdii uu horeysay ee nooceeda ah oo Turkigu soo gaarsiiyo Soomaaliya.
Deeqda ayaa ka kooban agab ay degdeg ugu baahneyd Somaliland si uu isticmaasho isbitaallada oo dagaal kula jira faafitaanka cudurka Covid-19, waxayna kala ahaayeen: 2400 Liitar oo antiseptics ah, 4800 liitar oo saabuun dareere ah o 1280 liitar oo Jeermis dile ah.
Qunsulka Turkiga u jooga magaalada Hargeysa Ali Noyan CoÅŸkun ayaa sheegay in Turkiga ka go’an tahay inuu taageero Somaliland, siina wadi doono caawinta intii karaankiisa ah.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/llaahi ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay xilligan adag la garab isbtaagtay Somaliland, isagoo sheegay in agabkan ay kaga guuleysan doonaan Coronavirus
