Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Turkiga oo nooca xamuulka ah ayaa maanta Muqdisho ka dejisay deeq qalab caafimaad oo lagula tacaalayo cudurka Covid-19.
Deeqdan oo ahayd tii labaad ee Dowladda Turkiga usoo dirto Soomaaliya, waxayna ka koobneyd Mishiinada Neefta ka saacida bukaanada, Qalabka lagu baaro cudurka iyo qalabka ay shaqaalaha caafimaadka xirtaan, waxaana garoonka ku sugnaa Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka.
Wasiirada Caafimaadk, Gargaarka, iyo Arrmiaha dibadda Fowsiyo Abiikar Nuur, Xamza Siciid Xamza iyo Axmed Ciise Cawad ayaa ka mahadceliyey deeqda ka timid doladda Turkiga, xilligan oo aad loogu baahnaa, waxayna sheegeen in Turkiga uu had iyo heer garab taagan yahay Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siiyo dadka Soomaaliyeed, deeqdana ay la socoto farriin ka timid Madaxweynaha iyo Shacabka Turkiga oo ku socota Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.