Turkiga ayaa guul hordhac ah ka gaaray wadahadallada uu marti geliyey ee dalalka Ruushka iyo Ukraine oo maanta ku kulmay magaalada Istanbul.
Waa wadahadalkoodii ugu horreeyay ee fool ka fool ah laba toddobaad gudahood, kadib markii . Wadahadaladii hore ee lagu qabtay dalka Belarus an wax horumar ah laga gaarin sidii loo soo afjari lahaa dagaalka socda muddada bisha ee kumanaanka ah oo ay ku dhinteen.
Wafdiga Ukrain ayaa la yimid heshiis nabadeed kaas oo dalkaasi u dhexdhexaad ahaan doono, kuna biiri doonin Gaashaanbuurta NATO, balse ay dooneyso in ammaankeeda la dammaanad qaado, ayna dalal waaweyn sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Turkiga, Shiinaha iyo Poland ay damaanad qaadaan Nabadda ay la galeyso Ruushka.
Ukraine awaxay la timid inay diyaar u tahay in muddo 15 sano ah ay wadahadalo ku saabsan mustaqbalka gacanka Crimea ee Ruushku qabsaday sanadkii 2014-kii la furto Ruushka, iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen in aan ciidankooda qalabka sida loo adeegsan xalinta arrintan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in wadahadallada ay sameeyeen horumar “macne leh” labada dhinacna ay ku gaareen “is-afgarad iyo is-faham guud” oo ku saabsan arrimaha qaar.
Waxa uu sheegay in kulanka uu xigi doono mid dhexmari doona Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine, xilli aan la cayimin. Kulanka u dhexeeya madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine ayaa sidoo kale ka mida ajandaha.
Ruushka ayaa dalbatay, iyo waxyaabo kale in Ukraine ay meesha ka saarto rajadii ay ka lahayd ku biirista isbaheysiga NATO, taasoo ay u aragto khatar, arrintaas oo aqbashay, laakiin waxay dooneysaa inay ku biirto Midowga Yurub.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa wadahadalka ka hor laga soo xigtay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ku dhawaaqo dhexdhexaadnimadiisa. Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay inuu u furan yahay inuu tanaasul ka sameeyo Donbas, oo ah gobolka inta badan looga hadlo Ruushka, halkaasoo fallaagada ay taageerto Moscow ay 8 sano ka wadeen dagaal gooni-gooni ah.
Dhinaca kale Militariga Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib u dhigi doonaan howlgallada milateri ee ay ka wadeen agagaarka caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyadoo wadahadaladu ay keeneen qodobbada heshiiska suurtagalka ah ee lagu soo afjarayo dagaalka socda.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mida ciidamada Ruushka laga saaray agagaarka Kyiv iyo Chernihiv.
