Wednesday, February 19, 2025

Turkiga oo 31 Dal u ogolaaday inay Caafimaad u tagi karaan dalkiisa & Shuruud ku xiran

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa u furayo Bukaanada doonaya inay arrimo caafimaad u tagaan dalkeeda, si loogu daweeyo, kuwaasoo kasoo jeeda 31 dal.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 20-ka May 2020 ay Turkiga tegi karaan bukaanada doonaya in laga daweeyo cudurrada kala duwan ay adag tahay in lala tacaalo iyo bukaannada u baahan qalliinka, waxaana dadka loo ogolaaday ay ka imaanayaan 31 dal oo kala ah:

Iraq, Libya, Azerbaijan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhstan, Greece, Ukraine, Russia, Djibouti, Algeria, Kosovo, Macedonia, Albania, Bosnia, Romania, Serbia, Bulgaria, Moldova, Somalia, Kuwait, Qatar, Bahrain, Oman, Germany, the UK, the Netherlands, Pakistan, Kyrgyzstan, iyo Northern Cyprus.

Ad

Dadkan ayaa la marin doonaa shuruudo adag, iyadoo si toos ah loo geyn dooni isbitaallo loogu talogalay, waxaana kaliya dalkaasi tegi kara bukaannada aan qabin cudurrka Covid-19 ee laga baaro, waxaana Garoomada dalkaasi loo ogolaan doono dadka aan qabin cudurka Coronavirus.

Howshan waxaa Turkiga u qaabilsan Hay’adda USHAS, iyadoo marka hore ay tahay in qofku bukaanka ahi is-diiwaangeliyo, kadibna sugo in la ogolaado, waxaana uu iska soo baarayaa cudurka Covid-19 si loo qaabilo.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Turkigu bilaabay inuu fududeeyo xayiraadda saaran dalkaasi ee ka dhalatay cudurka Covid-19, wuxuuna dalkan ka mid yahay dalalka ugu horeeyaa dhinaca caafimaadka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON