Sunday, March 23, 2025

Turkiga iyo Masar oo Qarka u saaran inay ku dagaalamaan gudaha Liibiya [Qatar & UAE oo la kala safan]

Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa mid waliba caddeysay inay diyaar u yihiin inay hub iyo ciidamo u diraan dalka Liibiya, iyagoo kala taageersan dowladda fadhigeedu yahay magaalada Triboli iyo jabhadda uu hoggaamiyo Jeneraalka Khalifa Haftar oo dagaal ugu jira inuu qabsado caasimadda Liibiya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan  ayaa sheegay inuu dalkiisa diyaar u yahay inuu ciidamo iyo qalab milateri u diro xukuumadda Liibiya, waxayna arrintan imaaneysaa kadib markii Turkigu heshiis milateri la saxiixday xukuumadda Liibiya oo ku saabsna ilaalada xeebaha dalkaasi, heshiiskaas oo ay si adag uga hor yimaadeen dalalka Masar, Greece iyo Talyaaniga.

Madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi oo dowladiisu ay taageerto jeneraalka Khaliifa Haftar ee dagaalka ku wada xukuumadda Liibiya ayaa sheegay in xukuumadda Liibiya ay la-heyste u tahay maleeshiyiin ay kooxo argagixiso ah ku jiraan, isla markaana aanu ogolaan doonin amniga Liibiya wax loo dhimo.

Ad

Masar ayaa Gen. Haftar ku tageerta hub iyo khubaro milateri, waxaana diyaaradaheed dagaalka ay duqeyn ka fuliyaan dalka Liibiya, iyadoo ay taageero ka heystaan Dowladda Imaaraadka Carabta oo ah dalka ugu weyn ee faraha kula jira arrimaha Liibiya.

Turkiga iyo Qatar waxay taageeraan xukuumadda uu hoggaamiyo Fu’ad Saraj, iyadoo siiya taageero kala duwan, laakin waxay arrinta kasii dartay markii Turkiga uu sii xoojiyey xiriirkiisa, isla markaana uu heshiis dhinaca badda ah la saxiixday xukuumadda Liibiya.

Jeneraalka Khalifa Haftar ayaa toddobadkan ku dhawaaqay dagaal xoog leh oo uu ku qabsanayo caasimadda Liibiya ee Triboli, kadib markii uu ku fashilmay weerarkii hore oo muddo 5 bilood ah socday, wuxuuna hadda taageero ka heystaa dalal badan oo ay ka mid yihiin: Masar, Imaaraadka, Faransiiska, Ruushka uu dhowaan ku soo biiray xaaladda Liibiya iyo dalal kale.

- Advertisement -

Turkiga iyo Qatar ayaa ku mideysan taageerada xukuumadda Liibiya oo la sheegay inay awood ku leeyihiin urururada Akhwaanul muslimiinta, waxaana colaadda Liibiya oo kasii dareysa laga cabsi qabaa inay ku dhex dagaalamaan dowlado shisheeye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON