Saturday, April 26, 2025

Trump oo laga cabsi qabo inuu Amro Weerarro lagu qaado dalal ay Iiraan ka mid tahay inta ka harsan xilkiisa

Madaxweynaha Mareykanka ee mudadda xilkiisa ay laba bilood uga harsan tahay Donald Trump ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo weerarro uu ku qaado dalalk ay Iiraan ka mid tahay.

Trump ayaa xalay si lama filaan ah shaqadii uga eryay xoghayihii Difaaca Mareykanka Mark Esper, isagoo xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay madaxii Xarunta Qaran ee ka hortagga Argagixisada Christopher Miller, taasoo keenay cabsi laga qabo inuu Trump ku dhaqaaqo tallaabooyin milateri.

Ad

Wargeyska New York Times ayaa qoray in saraakiisha Pentagon-ka ay ka welwelsan yihiin dagaallo qarsoodi ah iyo kuw toos ah inuu amro in la qaado iyadoo Iiraan ay ka mid tahay dalalka uu wajahayo.

Ninka uu xilka Wasaaradda Gaashaandhigga u magcaaabay ee Christopher Miller ayaa la sheegay inuu yahay nin aan ka hor imaan karin Madaxweyne Trump, waxaana ‘Yes man’ ku tilmaamay xoghayaha xilka laga qaaday ee Mark Esper.

Donald Trump ayaa weli diidan inuu aqbalo natiijada doorashadii uu uga adkaaday Joe Biden, wuxuuna wadaa olole sharci oo uu doonayo in la isla gaaro Maxkamadda Sare ee Mareykanka, iyadoo inta ka harsan muddo xileedkiisa laga cabsi qabo inuu qaato go’aano halis ah oo dagaal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON