Friday, March 28, 2025

Trump oo ku fashilmay dacwadii ugu danbeysay ee Doorashada iyo Maxkamadda Sare oo ayidday guusha Biden

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhufatay, isku daygii ugu danbeeyay ee madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump iyo Xisbigiisa Jamhuuriga ku doonayeen in looga hortago guusha madaxweynaha la doortay Joe Biden ka gaaray Gobolka muhiimka ah ee Pennsylvania.

Maxkamadda Sare ayaa iyadoo aysan faahfaahin ah bixin go’aan diidmo ah kasoo saartay inay joojiso hannaanka shahaadada qirista guusha lagu siinayo Joe Biden. Biden ayaa Pennsylvania tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadi madaxtinimada ee dhacday saddexdi bishi November ee aanu kasoo gudubnay.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Ad

Pennsylvania ayaa leh 20 cod ergada codadka doorashada, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

Trump oo si aan hore loo arag u diiday inuu qirto in looga guuleysatay doorashada ayaa dacwad ka furtay maxkamadaha ilaa lix gobol, isagoo olole ugu jiray inuu hor istaago guusha madaxweynaha la doortay ee Jeo Biden oo hadda u muuqata inuu guud ahaan ku fashilmay isku daygiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON